Ciidamada Booliska AMISOM gaar ahaan qeybta seddexaad ee Magaalada Baydhabo, ayaa noocyo kala duwan oo qalab ah oo ay ka mid yihiin Camera, ugu deeqay dhigooda ciidanka Booliska soomaalida ee magaladaasi, si loo xoojiyo beey yiraahdeen baarista dambiyada.
Major Cise Cali, oo ah madaxa Waaxda Baarista Dambiyada ee Saldhiga Booliska Baydhabo ayaa isagoo ka wakiil ah ciidamada booliska Soomaaliyeed u gudoomay qalabka.
Waxaa goobjoog ka ahaa xaflada wareejinta qabka taliyaha saldhiga Magaalada Muqtar Ibrahim iyo ku xigeenkiisa Cali Salaad.
Taliyeyaasha Magaaladda Baydhobo, ee gobolka Bay ayaa ugu mahad celiyay ciidamada AMISOM sida ay ugu muujiyeen taagerada, iyagoona dhanka kale sheegay in camera-da gaar ahaan ay ka caawineyso ururinta iyo kaydinta sawirada la xiriir dambi baarista.
“ Kaamerada waxaa ay naga caawineysaa inta badan tirakoobka dambiyada aan baarno, waxaan xitaa aan sameyn karnaa wixii iminka ka biloowda Documentation la xiriira hanaanka aan baaritaanka uwajahnay†ayeey yiraahdeen taliyhaasha Police-ka Magalada Baydhabo.
Theresa Awelo, oo ahaa hogaamiyaha kooxda Booliska AMISOM ee qalabka ku wareejiyay dhigooda Police-ka somalida ee Baydhabo, ayaa dhankiisa waxaa uu shegay in ciidanka ay xooga saari doonaan, baaritaanada danbiyaha, ay shacabkooda ku qanci doonaan.