Ciidanka nabad-Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM/ATMIS ayaa Maanta oo Axad ah taariikhdana ay tahay 10-ka April howlgalo ballaaran ka saameyn doona Xerada Xalane ee ku dhex taalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Taliska howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in howlgaladan ay yihiin kuwo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga Xerada Xalane, isla markaana si rasmi ah u bilaabanaya Maanta illaa 16-ka bishaan April socon doona howlgalka.
Waxaa la joojiyey waxkasta oo dhaqdhaqaaq ah oo ka jiray Xerada, waxaa la xiri doonaa dhammaan nuuc kasta Ganacsi oo Xalane ku dhexyaala Xalane, sidoo kale waxaa la joojin doonaa dhammaan dhismayaasha socda iyo qandaraaslayaasha.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in Xerada Xalane laga dhex sameyn doono Barro koontoroolo, lamana ogolaan doono wax dhaqdhaqaaq ah, wuxuuna howlgalka intiisa badan laga fulinayaa Movcon oo ah Terminal ay isticmaalaan Dibloomasiyiinta Shisheeye.
Ilaa iyo hadda lama oga ujeedada loo sameynayo howlgalkan, waxaana uu kusoo aadayaa, iyada oo loo diyaar garoowayo xuska 12ka April oo ku beegan maalintii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.