Hadal qoraal oo ka soo baxay Hawlgalka AMISOM falkii lagu dilay Madixii Adeega  QM ee Miino-saarista Mine Actione (UNMAS) ee Gobalka Hiiraan, Mahdi Xuseen Macow “Shiikhaalâ€, kaasi oo maalintii Sabtiga ee la soo dhaafay lagu dilay Xaafadda Xaawa Taako ee magaalladda Beled-weyne.
War Saxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay inuu dilkiisa muujinayo inay jiraan dad ka soo horjeeda Nabadda, iyadoo Qaranka iyo Beesha Caalamka waajib ku tahay inay ku heshiiyaan sidii Somalia looga dhigi lahaa dal deggan oo ay ka jirto nabad buuxda.
AMISOM waxay sheegtay inuu Maadixii Mine Action waxay wada shaqeyn ka dhexeysay Dhaqdhaqaaqyadda AMISOM ee  la xiriira Deganaanshaynta “the AMISOM stabilization activitiesâ€.
War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay Tacsi u dirayso UNMAS iyo qoyska iyo Saaxiibadda uu ka geeriyooday Marxuumkaasi.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa ka soo xigta ilo gudaha inay dhici karto inay Ilaaladda Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ku lug leeyihiin dilka loo geystay Mas’uulkaasi.
Inta badan Kooxo hubeysan ayaa waxay ku weeraraan Shaqaalaha Samafalka qeybo ka mid ah goballadda dalka Somalia ee ay ka jirto Baahida dhinaca Hawlaha Samafalka Aadminimo.
Xigasho: AMISOM
© Radio Dalsan