Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna madaxa AMISOMÂ Francisco Madeira ayaa sheegay iney diyaar u yihiin sugida ammaanka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya ee bisha August ee sanadkan.
Francisco Madeira waxa uu sheegay in AMISOM ay kol horeba bilawday iney kala shaqeyso dowlada Soomaaliya iyo ciidamada amniga in la aas aaso guddi farsamo oo amniga qaabilsan inta lagu jiro codeynta doorashooyinka bisha August.
Madaxa AMISOM ayaa soo dhaweeyay sido kale sidii madaxda dowlada iyo hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada ay isugu raacen qaabka doorashada ee sanadkan.
Waxa uu sido kale ku dhawaaqay in dhawaan taliye ka socda jabuuti loo magacaabay Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.