Wasiirka Deegaanka ee dalka Nigeria, Amina J. Mohamed ayaa loo magacaabay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM, António Guterres.
Afhayeenka Xoghayaha Guud, Stephane Dujarric ayaa ku dhawaaqay magacaabistaasi, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Nigeria ee “The News Agency of Nigeria (NAN)â€.
Amina J. Mohamed waxay haatan tahay Wasiirka Deegaanka ee Nigeria, waxayna horey u ahayd Kaaliyaha iyo Xoghayaha Guud ee QM ee xilka ka sii degayo iyo La-taliyahiisa Khaaska ee Qorsheynta Horumarinta ee “Post 2015 Development Planning.
Waxay bishii June 27-dii ee sannadkii 1961-kii ku dhalatay magaalladda Gombe oo Caasimad u ah Gobalka Gombe ee W/bari ee dalka Nigeria
Dhinaca kale, Antonio Guterres waxa uu xilal sare u magacaabay Maria Viotti oo u dhalatay dalka Brazil iyo Kyung-wha Kang oo u dhalatay dalka Koonfurta Kuurya.
Sidoo kale, Maria Luiza Ribeiro Viotti oo u dhalatay dalka Brazil waxaa uu u magacaabay Madaxa Diiwaankiisa (Chef De Cabinet.).
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan