Iyadoo ay Warbaahinta Caalamka hadal-hayaan inuu Khilaaf dhinaca Aragtida soo kala hdex galay Hoggaanka Sare ee Xarakadda Alshabaab ayaa waxaa soo baxayo warar sheegayo in Garabka u ololeynaya inay Alshabaab ku biiraan  Kooxda Dowladda Islaamiga ee Daacish u ruqaansan doonaan dhinaca Xeebaha Badda Cas.
Sheekh C/qaadir Muumin oo ka mid ah Saraakiisha Alshabaab ee ku dhawaaqday inay taabacsan yihiin Hoggaamiyaha Daacish, Sheekh Abu Bakar Albaqdaadi ayaa waxay u muuqataa inay isaga iyo Dagaalyahannadda taabacsan ku sii sugnaan Karin BuurahaGalgala, waxayna ka fekerayaan inay u guuraan dhinaca Xeebta Badda Cas.
Qorshahooda ayaa la sheegay inuu yimid, kadib, markii uu Afhayeenka Xarakadda Alshabaab, Sheekh Cali Dheere digniin u jeediyey xubnaha Alshabaab ee u ololeynaya inay ku biiraan Kooxda Daacish.
Ilo muhiim ayaa waxay sheegayaan inuu Sheekh C/qaadir Muumin ka baqanayo inay soo weeraraan Dagaalamayaasha Alshabaab ka soo horjeeda Daacish, waxayna taasi soo dedejisay inay La-taliyayaasha Sheekh C/qaadir ku taliyeen inay u dhawaadaan Xeebaha Badda Cas, si ay ugu baxsadaan Xeebaha Yemen, haddii ay soo weeraraan Dagaalamayaasha Alshabaabka weli taageersan in laga sii mid ahaado Ururka Alqaacida.
Dhinaca kale, Â Dagaalamayaasha Alshabaab ee kala taabacsan Ururka Alqaacida iyo Kooxda Daacish waxaa ka dhexeeya Danno Guud oo ku aadan Jihaadka Caalamiga iyo Dhismaha Dowlad Khilaafa Islaami ah, inkastoo aysan haatan fududeyn inay Alshabaab ka wada baxaan Isbahaysiga Ururka Alqaacida, ilaa uu ka geeriyoodo Hoggaamiyaha Alqaacidsa, Sheekh Ayman Al-zawahiri oo u dhashay dalka Masar.