Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa shalay soo bandhigay Muuqaal cusub oo Vedio ah, kaasi oo ay ka muuqdeen Dagaalamayaal caddaan ah oo xubno ka ah Alshabaab.
Garabka Warbaahinta ee Alshabaab shabakadda ay leeyihiin ee  Alkataib   ayaa soo bandhigay Muuqaalkaasi, inkastoo aan la caddaynin Dalalka ay u dhasheen Dagaalyahanadaasi haddii ay yihiin Maraykan, European ama Chech
Saraakiisha Maraykanka ayaa ka walaacsan tallaabooyinka ay Alshabaab dagaalyahanno uga so oqortaan gudaha dalka Marayknak.
Muuqaalka Video-ga ee ay Alshabaab baahiyeen ayaa muujinay iyadoo ay Dagaalamayaasha caddaanka fuulayaan dhul-buuraley ah, kuna wajahan bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Kenya.
Muuqaalka ayaa laga arkay Dagaalyahannadad Alshabaab oo weerar habeeninmo ciiddanka Kenya kula galay Tuulladda Botahi oo ka tirsan Garissa.
Dagaalamayaasha ayaa waxaa loo arkay iyagoo  labiska Boliska Kenya wata oo ku sugan dhismo. Â
Muuqaalka waxaa kaloo lagu soo bandhigay weerar ay Alshabaab ku qaadeen Kaniisadda The Hindi Apostolic Church oo ku taalla Degmadda Hindi ee dalka Kenya, waxayna dab qabadsiiyeen calaamadda Kirishtaanka ee ku xardhanayd gudaha Kaniisada. Muuqaalka waxaa kalo olagu soo bandhigay weerar ay Alshabaab ku qaadeen Xero ay leeyihiin Hay’adda Duur-joogta Kenya “Kenya Wildlife Service Campâ€.
Dhinaca kale, Bishii August ee sannadkii hore, Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka digay inay Dagaalyahanno shisheeye ah ku soo bateen Alshabaab.
Madaxweynaha oo xilligaasi ku sugnaa magaalladda Washington ee dalka Mraaykanka ayaa sheegay in Dagaalamayaasha shisheeyaha ee ka tirsan Alshabaab haatan gaareen heerkii ugu sareeyey, waa sida uu hadalka u dhigay, oo intaasi ku daray inay Dagaalyahanno ka kala yimid Waqooyiga America, Europe, Asia iyo Gacanka Carbeed ka mid yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab.
Dhinaca kale, Bishii August ee sannadkii hore, Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka digay inay Dagaalyahanno shisheeye ah ku soo bateen Alshabaab.
Madaxweynaha oo xilligaasi ku sugnaa magaalladda Washington ee dalka Mraaykanka ayaa sheegay in Dagaalamayaasha shisheeyaha ee ka tirsan Alshabaab haatan gaareen heerkii ugu sareeyey, waa sida uu hadalka u dhigay, oo intaasi ku daray inay Dagaalyahanno ka kala yimid Waqooyiga America, Europe, Asia iyo Gacanka Carbeed ka mid yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab
© Warqabadka Dalsan Radio