Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay, dhowr kalena wey ku dhaawacmeen fal isqarxin ah oo lala beegsaday Kolonyo gawaari gelbinayey Wafdi ka socday dalka Imaaraadka Carabta.
Wafdiga ayaa la sheegay inay la socdeen gawaarida nooca aysan xabbaduhu ka dusi karin ee bulletproof car
Afhayeenka Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda, C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen weerarkaasi oo ka dhacay agagaarka Tirbuunka ee magaalladda Muqdisho.
Afhayeenka ayaa arrintaasi ku sheegay Qoraal uu u diray Telefishinka Aljazeera, wuxuuna xusay inay beegsadeen gaari waday cadowga Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala beegsaday gaari Tekniko ah oo gelbinayey Wafdiga ka socday dalka Imaaraadka.
Muuqaalo la soo bandhigay ayaa laga dheehday khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo aad u xoog badnaa.
Xigasho: Aljazeera.
© Warqabadka Radio Dalsan