Bayaan Kooban oo ay soo saareen Xarakadda Alshabaab kana soo daalacanay Wargeysyadda Long War Journal iyo Yoom Sabca ayey ku sheegeen inay ku dhaqaaqi doonaan falal horseedi doona inuu dhulku wada noqdo mid uu dhiigu qulqulo, isla markanaa u aar-gudi doonaan Walaalaha Muslimiinta ee lagu dilayo dalalka Kenya, Maali iyo kuwo kale oo ku yaalla Qaaradda Afrika.
Sarkaalka  Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda ka dhaca gudaha dalka Kenya, Axmed Iimaam Cali ayaa sheegay inay ku sugan yihiin gudaha Kenya, isla markaana Waddooyinka Caalamaka ka dhigi doono dhul wada dhiig ah, waa sida uu hadalka u yiri.
“Waxaan ku dhaaranayaa Magaca Ilaahay inuu dhiig qulquli doono Waddooyinka, isla markaana midabka dhulka u beddeli doonaan Casaan, una aargudi doonaan Walaalaha Muslimiinta ee lagu dilayo dalalka Kenya, Mali iyo kuwo kale†ayuu yiri Axmed Iimaam Cali oo isagu ah Madaxa Ururka Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda laga fuliyo gudaha Kenya.
Waxa uu intaasi ku daray inay weeraro cusub ka fulin doonaan gudaha dalka Kenya, isagoo ku celceliyey arrintaasi, wuxuuna xusay inaan loo dul qaadan karin Dembiyadda ay Ciiddanka Kenya ka galeen gudaha Somalia iyo Kenya.
Digniinta cusub ee ay Alshabaab ku dhawaaqeen ayaa ah Hanjabaadii ugu cuslayd ee ay ku dhawaaqaan, tan iyo markii ay bartamihii bishii hore weerar ku dileen in ka badan 100 Askari oo Kenyan ah oo ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Xigasho: Long War Journal & youm 7
©Radio Dalsan