Dagaalamayaal Hubeysan oo ka tirsanaa Al Shabab ayaa Xalay Weerar culus ku qaaday Xero Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Kismaayo.
Ugu yaraan 9 askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo 6 ka tirsan Al Shabab ayaa ku geeriyooday Dagaal xoogan oo Xalay dhexmaray labada dhinac.
Xerada la weeraray waxa meel ku dhaw Fariisin ku leh Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Dalka Kenya.
Al Shabab ayaa caadiyan weerarta fariisimaha Ciidamada Maamulka Jubbaland Ee ku sugan Kismaayo.