Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno dagmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose, laba gaari oo qarax ahaa ayaa Shabaab ay ku weerareen dagmadaasi gaar ahaan Xerada Ciidamada daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland.
Mid kamid ah gaadiidka Qaraxyada lagasoo buuxiyay ayaa ku qarxay Alabaabka hore ee xerada Daraawiishta halka gaariga labaad ay saraaiisha Ciidamada Jubbaland ay sheegeen in lagu qarxiyay banaanka hore ee Xeradà asi.
Mahad Maxamed Islaam Taliyaha Ururka Sagaalaad ee Ciidanka Daraasha Dagmada Afmadoow ayaa u sheegay Idaacadda VOA in lix Askari ay ku dhawacmeen weerarka balse qasaaraha ay dib kasoo sheegi doonaan.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in weerarka kadib uu dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidanka daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo ragga Al-shabaab ee weerarka soo qaaday, khasaaro ayaana lasoo wariyey inuu jiro.
Afmadoow oo Jubbaland ay ka dhigtay Taliska Howlgalada ayaa wajaheysa Weeraro ay kusoo qaadaan dagaalamayaasha Al-shabaab ee Maamula dagmada Xagar oo ah dagmada aan ka fogeen Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.