Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ee deegaanka Kuunya Baroow ee Gobolkaas ka fuliyeen Xukun Gacan goys ah.
Fagaaro ku yaalla deegaankaas ayaa waxa ay isugu keeneen boqolaal ka mid ah Shacabka iyaga oo xukunka Gacan goyska ah ku fuliyeen laba Nin oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen fal Xatooyo ah iyada oo dadka hortooda ay raggaasi uga jareen mid kasta Gacantiisa midig.
Labada nin ee xukunka gacan goyska ah lagu fuliyay ee lagu kala Magacaabo Maxamuud Maxamad Xassan oo 54 sano jir ah iyo Xassan Maxamad Yuusuf oo 45 sano jir ah ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay jabsadeen dukaan ku yaalla Xaafada Ambareela ee deegaanka Kuunya Baroow isla markaana ay ka qaateen 17 milyan lix boqol iyo 73 kun oo shilinka Soomaaliga ah.
Sidoo kale waxaa War ay soo saareen Al-Shabaab ku sheegeen in Raggaasi uu soo dacweeyay ninkii lahaa Dukanka oo lagu Magacaabo Cabdalla Bakar Cabdalla,is markaana raggaasi ay qirteen falka lagu soo eedeeyay sidaasna Gacanta looga jaray laguna amray in ay lacagtii bixiyaan.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab fuliyaan Xukun noocaan oo kale ah waxaana tiro dhowr jeer ay Xukuno isugu jira dil iyo Gacan goyn ay ka sameeyeen deegaanada ay ka maamulaan gobolada dalka Soomaaliya.