Al-shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay oo talaado ah waxaa ay weerar ku bilowday Qaraxyo Is-miidaamin ah ku qaadeen deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle, kadibna la wareegay gacan ku heynta deegaanka.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka iyo dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo Saldhig Ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Burundi ku dhexmaray Ciidankaas iyo shabaakii weerarka soo qaaday.
Al-shabaab warar ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi ee Ceelbaraf, Shabeellaha Dhexe ku dileen ugu yaraan 59 Askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi ee howlgalka ATMIS.
Sidoo kale Shabaabka ayaa intaas kusii daray in weerarka lagu dhaawacay tobanaan kale oo kamid ah Ciidamada, isla markaana weerarka kadib ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceelbaraf oo la sheegay inay isaga baxeen Ciidamada halkaas joogay.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska howlgalka ATMIS iyo kan Maamulka Shabeellaha Dhexe oo ay uga hadlayaan weerarkii xooganaa ee saaka lagu qaaday Ceelbaraf, halkaasi oo weli xaaladdu tahay mid aad u kacsan, lana maqlayo rasaas.
Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay weeraro khasaaro farabadan dhaliyey ku qaadeen Saldhigyo ay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka ku leeyihiin Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa howlgalka ATMIS/AMISOM.