Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar saaka subaxdii hore ka dhacay degmadda Ceel-dheer gobolka Galgaduud.
Ciidamada xoogga dalka soomaaliiyeed iyo kuwa deegaanka ee macawisleyda ayaa iska caabiyey weerarka ay soo qaadeen dagaalamayaasha Al shabaab,sida lagu sheegay qoraaal lagu baahiyey warbaahinta dawladda.
“Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku qorsheynayeen weerarkan taasi oo keentay in ciidammada xoogga dalka iyo ciidammada deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Dagaalamayaal qorshahoodu ahaa iney in ay la wareegaan gacan ku haynta Degmadaas”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay baahisey warbaahinta dawladda.
Sidoo kale qoraalka kasoobaxay Warbaahinta Dawladda ayaa lagu sheegay in ay la xiriirtay saraakiil ku sugan degmada ceeldheer ee gobolka galgaduud.waxaana ay xaqiijiyeen in ciidammada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay jab xooggan u geysteen al -shabaab oo iyagu dhowr jiho kasoo weeraray magaalada.
Wali Dowladda Somaaliya ma bixin faahfahin intaas ka dheeriya balse waxa ay sheegeen in marka uu soo gebageboobo hawlgalka ay faahfaahin bixin doonaan.