Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay fagaarayaal ku yaalla Gobolada Baay iyo Jubbada Dhexe waxaa ay xukun dil toogasho ah kula fuliyeen rag lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka iyo kuwa Caalami ah.
Al-shabaab ayaa goob fagaare oo ku taalla degmada Buula Fuulay ku toogtay 5 ruux oo lagu helay inay basaasayaal u ahaayeen Sirdoono caalami ah, waxaana goobta uu xukunka ka dhacayay la isugu geeyay dadweyne farabadan.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa isla shalay 5 qof kale oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka ku toogatay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe oo horey uga dhaceen duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.
Isku geynta dadka Shabaabka ku dileen degmooyinka Jilib iyo Buula Fuulay ee Gobolada Baay iyo Jubbada Dhexe ayaa gaaraya 10 ruux, iyagoona maalin kahor sidaan oo kale 6 ruux oo ay ku jirtay Haweeney ugu toogtay degmada Saakoow.
Si kastaba xukunada dilalka toogashada ay fuliyeen Al-shabaab ayaa ku aadaya, iyada oo maamulka Puntland uu toogasho ku fuliyey 21 nin oo lagu eedeeyey iney ka tirsanaayeen Al-shabaab, isla markaana dilal iyo weeraro ka geystay Magaalada Gaalkacyo.