Dagaalamaayasha Al-Shabaab ayaa iska fogeeyay hadal xalay kasoo yeeray Hay’adda nabad Sudidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee Magaceeda loosoo gaabiyo NISA, Hadalkaasi oo ahaa in Al-Shabaab ay maleegayaan Qorshe aad u halis badan oo lagu doonayo in lagu qaarijiyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Farmaajo.
Al-Shabaab oo arrintaasi ka fal-celiyay sida la sheegay, waxaana ay waxkama jiraan ku tilmaamay in arrintaasi ay NISA sheegtay.
Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa lagu daabacay in hadalka NISA uu yahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxaana Xubin sare oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, una warramay warbaahintooda uu sheegay in Hadalka NiSA uu salka ku hayo mushkilad dhex-dooda ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
Qoraal ay xalay  soo saartay NISA ayaa u qornaa sida tan:
“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Al-Shabaab oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah xubin sare oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug lehâ€