Gelinkii dambe ee Maanta ayaa fagaaro ku yaalla deegaanka Gambole ee Gobolka Shabeellaha dhexe Al-Shabaab waxa ay ku toogteen Nin Oday ah oo ka mid ahaa Waxgaradka degmada Balcad ee gobolkaasi Shabeellaha dhexe.
Ninka Odayga ah ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Abshir Nuur Xuseen oo loo yaqaanay(Maliife),waxana sidoo kale uu ahaa Nin xoolo Dhaqato ah caana ka ah degmada Balcad iyo tuulooyin hoostaga.
Nabadoonka ayaa mudo ku dhow Afar Bilood waxa uu ku jiray Gacanta Al-Shabaab kadib markii uu deegaanka Gamboole ka qabteyn xilli uu ku guda jiray xalinta  isqabqabsi u dhaxeeyey,waxana ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle oo la soo xiriiray Radio Dalsan ayaa waxa ay cambaareeyeen falka toogashada ah ee loo geystay Nabadoon Nabadoon Abshir Nuur Xuseen oo loo yaqaanay(Maliife).