Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa maanta ah mid degan, sida ay dadka deegaanku sheegeen ka dib rabshadihii khasaaraha badan geystay ee dhawaan ka dhacay.
Ammaanka magaalada waxaa wali gacanta ku haya milatariga federaalka Itoobiya, inkastoo ay wali yar yihiin isu socodkii dadka iyo gaadiidka intaba.
Qaar badan oo ka mid ah dadkii degenaa magaalada ayaa ka barakacay si asyan saameyn ugu yeelan rabshadihii ka dhacay.
Dhanka kalana boqolaal qoys oo ku sugnaa magaalada xadka ku taalla ee Wajaale ayaa u tallaabay dhanka Somalilanad, inkastoo aysan dhibaato ka dhicin halkaas haddana dadka ka cabsi qabay in rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga Sabtidii ay halkaas ku faafaan
Ciidamada Federaalka itoobiya ayaa shalay u dhacay Xarun uu ku sugnaa Madaxweynihii dowlad deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyaga watay isaga iyo saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Ciidamada liyuu Boolis.