Faah faahino dheeraad ah ayaa ka oo baxaya dagaal Al-Shabaab iyo ciidamda AMISOM ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaaladaan ayaa waxa ay ka kala dhaceyn deegaanada No,60 iyo Golweyn ee gobolkaas kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisinka Ciidamada AMISOM ee deegaanadaas.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in dagaalkaas uu socday mudo ka badan hal saacadood,isla markaana ay maqlayeen dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku degsanayeen labada dhinac.
Weli macada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas,balse dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in uu jiro khasaaro soo gaaray labada dhinac ee wada dagaalamay.
Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Barta ay ku leeyihiin Internet-ka wax ay ku sheegen in dagaalkas ay ku dileen ciidamo ka tirsan AMISOM wlow aysan jirin cid ka madax banana oo xaqiijisay warkaas.