Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa ka socda diyaar garoowgii u dambeeyey ee ku aadan shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo la filayo in markii ugu horeysay Maanta lagu qabto.
Inta abdan Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa ku sugan Garoowe,kuwaas oo shalay gaarey halka kuwo kale ay horay u sii raaceen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhawaan Garoowe tegay.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirey Warar soo baxayay oo sheegay in kulanka uu baaqday ka dib khilaaf soo kala dhex galay Maamulka Puntland iyo wafdiga Ra’iisul Wasaaraha basle la sheegay in xalay laga gaaray.
Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ee maanta lagu qabanayo Garoowe ayaa waxaa shir gudoomin doona Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,waxana looga hadli doonaa xaaladaha guud ee dalka iyo safarka Ra’iisul Wasaaraha ee deegaanada Puntland.
Waa markii labaad oo shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya lagu qabto meel ka baxsan Magaalda Muqdisho hadii maanta lagu qabto Garoowe,waxana kulanka Maanta ka horeya kulamo gooni gooni ah oo ay yeelaan doonaan Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo kuwa Puntland.
Shirka todobadlaha ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa horay loogu qabtay Magalada Kisamayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,waxaana dowladda hadda jirta ay tahay dowladii ugu horeysay ee Shirka Golaha Wasiirada ku qabata meel ka baxsan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.