Waxaa xal laga gaaray xiisadii ka taagneyd Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya, ka dib markii ay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xiisadan ayaa salka ku heyso kaddib markii ciidamo dawladda ka tirsan ay isku dayeen inay wasiir kuxigeenka wasaaradda arimaha dibada ka soo xiraan xarunta,balse ilaalada Xarunta ay diideen.
Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad taleefanka sheegay isaga oo ku sugan  magaalada Garoowe in la xaliyay murankii saaka ka dhashay isku daygii ciidamo ka tirsan booliska ay ku doonayeen inay ku soo xiraan wasiir kuxigeenka wasaaradda Mukhtaar Mahad Da’uud.
Wasiirka Cawad ayaa sheegay in ciidanku ay wateen warqad maxkamadeed oo ay ku sheegeen inay ku doonayaan inay ku soo xiraan wasiir kuxigeenka balse markii dambe uu soo faragaliyay arinta ra’iisul wasaare Khayre isla markaana dib loo celiyay ciidankii wasaarada yimid iyadoo wasiir kuxigeenku uu shaqadiisa dib ugu laabtay si caadiya.