Waxaa goordhaweyd Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland laga soo sheegay geerida Alla ha u naxariistee fannaanaddii caanka ahayd Khadra Daahir Cige, kadib dhowr maalmood oo ay ku xanuunsanayd Cusbitaal ku yaalla Magaladaasi.
Khadra ayaa ka mid ahayd fannaaniinta loogu jeclaa Soomaalida, waxaana ay ka mid ahayd kooxdii Waaberi, iyadoo waayadii ugu dameeyay ku nooleyd Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.
Khadra Daahir Cige ayaa ku dhalatay Hargeysa sanadkii 1957-dii, waxaana fankeedu uu kasoo shaac baxay isla Magaaladaasi. Jeceylka ay fanka u qabtay ayaa ahaa mid qof kasta uu ka garan karay intii ay ku jirtay waxbaarshada Iskuulka, waxaana la isla arkay hibadeeda fanka xiliyada munaasabadaha oo ay Iskuulka Heeso ka qaadi jirtay.
Intii ay ku guda jirtay waxbarashada, Mar kale ayay Indhaha iyo dhagaha Daawada yaasha iyo dhageystayaasha ka yaabsatay, kadib markii 1970-kii ay Iskuulka kaga qayb-gashay ruwaayad ay Ardaydu jilayeen, waxaana isla sanadkaas ay muujisay jilliin, cod kuwacan dhageysiga, qaab-masrixiyadeed qof walbaa uu la Ash-qaraarayo, waxaana ay hantiday mucaashiqiinta fanka,
Waqtigu waxaa uu is-guraba Khadra ayaa Sanadkii 1974-kii waxaa ay si rasmi ah uga soo muuqatay Ruwaayaddii Hoboladii Waaberi ee ‘Dabjecayl kari waa’, waxaana Heesteedii ugu horreysay ee Khadra loo diiwaan galiyay ay ahayd heesta “Afka lagama sheegto adigoon jeceyl arag†taasi oo ka mid ah Heesaha ilaa iyo manta loogu jecel yahay Heesaha Khadra, oo ay si wacan ugu xareedisay codkeedii cajiibka ahaa, waliba ay ka muuqato qaabka ay car-carka u ahayd iyo sida ay Hammiga fog uga lahayd fanka, waxaana Heestaasi curiyay Abwaan Maxamed Cabdi Wayrax.
Khadra Daahir waxaa ay dhaxalsiisay Hibadeeda fanka in ay Ateriisho ama Gabadha 1aad ka noqoto Ruwaayaddii Jin iyo Jeceyl, oo ahayd  mid ka mid ah ruwaayadaha ugu Magaca weyn fanka Soomaalida, sidoo kalena ay ku jiraan Heesaha loogu jecel yahay. Waxaana sanadkii  1975-kii Curiyay Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Ganeey), waxaana Xusid mudan in heesaha ku jiray ay laxamayntooda isugu tageen, Raggii ugu cad-caddaa dhanka laxanka oo ay ka mdi ahaayeen Axmed Cali cigaal, Siciid Xarawo, Cabdi Cali Bacalwaan iyo mullaxamiin kale oo kula lammaannaa.
Khadra waxaa ay la heestay Fannaaniinta ragga ee Soomaaliyeed kuwooda ugu Magaca weyn, waxaana sidoo kale Heeso u dhiibay Abwaaniintii ugu curinta wanaagsanaa dhanka Heesaha iyo Ruwaayadaha, khadra ayaa caan ku ahayd Heesaha jeceylka, iyadoo qaadday Heesaha loogu jecel yahay fanka Soomaalida.
Abwaan waliba waxaa uu jeclaa in uu hees u dhiibo, waayoo waxaa ay ahayd shaqsi ilaahay cod ku mannaystay, sidoo kalena ay aad u jeclaayeen mucaashiqiinta fanka, waxaana
Si waliba Khadra ayaa goor hore fanka isaga baxday, waxaana waayadii dambe ay ku nooleyd Magaalada Hareysa ee Xarunta Soomaaliland, halkaasi oo dhawaan ay ku xanuunsatay, caawana ay ku geeriyootay.
Dhawrkii sano ee ugu dambeeyay waxaa fanka Soomaalida ka baxay fannaaniin aan saameyn kulahaa fanka, bulashaduna ay aad u jecelayd, waxaa aynu ka xusi karnaa fannaaniinta sanadihii ugu dambeeyay dunida Macasalaameeyay: Saynab Xaaji Cali Baxsan, Faaduma Cali Nakruuma, Cabdi Cali Bacalwaan, Cabdi Tahliil Warsame, Jiim Sh. Muumin, Cabdikariim Faarax Qaareey Jiir iyo fannaaniin kale oo qaluubta mucaashiqiinta fanka aan marnaba ka go’aynin.
Xuuquuqda Qormada waxay u dhowrsan tahay Radio Dalsan 91.5 mhz.