Xalfooleey – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, S/Guuto Janeraal Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), iyo masuuliyiin kale ayaa booqasho dhiirrigelin ah ku tegay boqolaal ka tirsan Ciidanka xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan Xalfooleey, oo ku taalla xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Masuuliyiinta halkaasi tegay ayaa dardaaran adag u jeediyay ciidamada, iyagoo uga mahadceliyay doorka naf-hurnimada leh ee ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa bogaadiyay geesinimada ciidamada deegaanka, isagoo xusay in dowladdu ay dadaalkeeda laba jibaarayso si ay garab istaag buuxa ugu muujiso.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), oo isna la hadlay ciidamada, ayaa si cad u ballan qaaday in dagaalka Al-Shabaab lagula jiro uusan wax gorgortan ah lahayn.
“Xaq ayaad ku socotaan, Alle xabadiina Nukliyeer haka dhigo, tan Al-Shabaabna biyo Alle haka dhigo ee dagaalka gala,” ayuu yiri Dabageed, isagoo muujiyay sida ay u go’an tahay in dalka laga xoreeyo kooxdaas.
Waxaa uu intaa ku daray in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu yahay mid aan lahayn dariiq kale oo xal ah marka laga reebo in la ciribtiro, wuxuuna caddeeyay in xoog looga saari doono dhulka ay gacanta ku hayaan.
Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka socda dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya macawisleyda deegaanka iyo Al-Shabaab, dagaalkan oo la sheegay inuu yahay mid ka mid ah kuwii ugu adkaa ee lagula jiro kooxdaas.