Xalay ayaa la sheegay in Magalada Nairobi gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta laga soo celiyey Diyaarad ka baxday garoonka diyaaradaha Magalada Muqdisho taas oo uu saarnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar  Islow Ducaale.
Diyaarada oo aheyd  indian ocean ayaa dib loogu soo celiyey Magalada Muqdisho kadib markii  laga mamnuucay inay ka degto Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta,waxana soo celistaas ka soo baxaya Warar kala duwan.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarada uu ka dhacsanaa Aqoonsigii ay ku Shaqeyneysay halka wararka qaar ay sheegayaan in aysan jirin wargelin ku aadaneyd in ay u safreyso Magalada Nairobi sidaasina lagu soo celiyey.
Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin soo celinta Diyaaradaha indian ocean ee laga soo celiyey Magalada Nairobi ee dalka Kenya,iyada oo uu saarnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.