Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Midowga Afrika inuu ka laabto bayaankii uu ku difaacayay Wakiilkii Midowga Afrika Madiera oo dalka uu ka eryay Ra’iisul Wasaare Rooble.
Qoraal ku qornaa luuqada Ingiriiska oo ay soo saareen Midowga ayaa waxaa eedeyn ugu jeediyeeb Francisco Madiera oo uu dalka ka eryey Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in Francisco Madiera uu faragelin qaawan ku hayay arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ku jirto inuu dhinac la safnaa, isla markaana ku xadgudbay madaxbanaanida dalka.
Arrintaan ayaa kusoo aaday, iyada oo Maanta Guddoomiyaha Midowga Afrika diiday tallaabadii Ra’iisul Wasaare Rooble uu dalka uga eryay Madiera , isagoo walaac ka muujiyay Warqada kasoo baxday Rooble, sidoo kalena sheegay inay xaqiijin doonaan kalsoonida Francisco Madiera.