Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay si dhow ula socdaan khilaafka xoogan ee u dheexeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo tanaasulka badan ee uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta.
War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ay Ra’iisul Wasaare Rooble ugu dhiirageliyeen inuu dardar-geliyo doorashooyinka dalka ka dhacaya, isla markaana gacanta ku dhigo amniga dalka, uuna gorgortan ka gelin heshiisyadii la gaaray.
Midowga ayaa Golaha Wadatashiga Qaran ku booriyey in la dedejiyo howlaha doorashooyinka, sidoo kale waxay Beesha Caalamka ugu baaqeen inay gacan ku siiyaan Golaha Wadatashiga Qaran degdeg ku qabsoomida doorashada dhaceysa.
Sidoo kale Musharaxiinta ayaa tilmaamay inay indhaha ku hayaan dhaq dhaqaaq ciidan iyo shirqool ay maleegayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii hore ee NISA, si ay u carqaladeynayaan howlaha doorashada una abuuraan xasillooni darri iyo qalqal amni.
Waxaa ay sheegeen Midowga Musharaxiinta in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qaadayo Mas’uuliyada iyo wixii cawaaqib xumada ka dhalata falal guracan oo ay sheegeen inuu maleygayo.
Ugu dambeyn Midowga Musharaxiinta ayaa dalbaday in calaalad ay hesho Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd Sarkaalad ka tirsan hay’adda NISA, iyagoona ku baaqay in hay’addaha Garsoorka loo daayo kiiska Ikraan Tahliil, isla markaana Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidamada ku booriyey inay caddeeyaan caqabada hortaagan Cadaaladda.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Midowga.