Ka dib amarkii ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dhamaan la furo Wadooyinka Magalada Muqdisho ayaa dhaqan galay waxana xalay inta badan laga qaaday Isgoysayda Waaweyn ee ku yaalla Magalada Muqdisho Ciidamadii ku sugnaa.
Ciidamada xasilinta ayaa waxa ay howlo baaritaan ah ka wadeen Isgoysyada Muqdisho,iyaga oo baarayey Gaadiidka noocyadiisa kala duwan,balse cabasho farabadan oo ka timid Shacabka ay sababtay in ay gaarto Madaxda ugu sareysa dalka.
Dad saakay soo marey dhowr Isgoys oo ku yaalla Muqdisho ayaa waxa ay Dalsan u sheegen in Ciidamadii fariisinka ku lahaa, Isgoysayda, Afrata Darjiino,Howl-Wadaag, Tarabuunka,Banaadir, Sanca iyo Isgoysyo kale dhamaan laga qaaday.
Dhinaca kale Waxaa weli dhagxaan Waaweyn iyo Caro ay ku xiran yihiin Wadooyinka Jidcadayaasha ee dhexmara Xaafadaha  Magalada Muqdisho  oo markii hore xilliyada qaar ay isticmaali jireyn Gawaarida Dadweynaha iyo Mooto Bajaajta.
Habeen ka hor ayaa Guddiga Amniga Qaranka oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay amar ku bixiyeen in Ciidamada ay mudo 48 saacadood gudahood ah ku furaan Wadooyinka xiran ee Muqdisho.