Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa waxa ay Maanta xabsiga dhigeen xubno ka tirsanaa Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ee Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Xubnaha maanta la xiray waxaa ka mid ah labo Wasiir oo dhawaan ay Somaliland xirtay islamarkaana dib ugu celisay Itoobiya,waxaana ay Somaliland ku eedeysay in ay sharci darro ku galeen degaannadeeda.
Wararka kale aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale la xiray Xildhibaano ka tirsan dowladda deegaanka sigaar ah Xildhibaano dhawaan Baarlamaanka Dowlad deegaanka uu xasaanadii ka qaaday.
Mas’uuliyiinta la xiray ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Jamaal Axmed,Wasiirkii Caddaaladda, Ibraahim Aadan Sacab,Wasiirkii waxbarashada,labada waxaa Itoobiya ku gacan gelisay Somaliland,sidoo kale waxaa la xiray Cumar Maxamed Rooti iyo Deeq Buraale Laba Go’le oo labaduba ka mid ahaa Baarlamaanka Dowlad degaanka Soomaalida.
Xariga Mas’uuliyiintaan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli shalay Ciidamada Booliska Itoobiya ay xabsiga dhigeen  Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar,kaas oo dad badan ay soo dhaweeyeen xarigiisa.