Maanta waxaa Magalada jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya la keenay ku dhawaad meydadka toban ruux oo ay dileen Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya.
Dilka dadka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Tuli-Guuleed,waxaana Eheladooda ay meydkooda  Maanta keeneen Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Hoos Ka Akhriso qaar ka mid ah Magacyadab dadka la dilay.
1:- Ismaaciil Maxamed Cali
2:- Cabdi Salaan Maxamed Maxamuud
3:- Xasan Cabdi Ducaale
4:- Cabdullaahi Yuusuf
5:- Cabdi Nuur Muuse
6:- Axmed Maxamed Nuur
7:- Cabduqaadir Maxamed Xaaji
Dhinaca kale Magalada Jigjiga waxaa Maanta ka dhacay banaanbax ay dhigayeen dad ka careysan dilkaas,iyaga oo sheegay inaan meydadka la’aasi doonin ilaa Qowmiyada Oromada looga aargudo.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan waxa uu sheegay inaan la aqbali doonin dagaalka dhexmaraya Qowmiyada Oromada iyo soomaalida,isla markaana ay dagaalkaas awood ku joojin doonaan balse aan lagu guuleysan.