Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta ayaa magacaabay Guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee (FEIT), Guddiga Doorashada Banaadiriga iyo xubno kale oo ka tirsan, kuwaasi loo xil-saaray xallinta cabashada kuraasta Banaadiriga.
Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka kooban 7-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Muuse Geelle Yuusuf, halka sidoo kale Guddiga uu ku jiro Guddoomiyaha Guddiga SEIT Banaadiriga.
“Ka dib markii uu kulan wadatashi ah la yeeshay Guddoomiyeyaasha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Guddiga Doorashada Banaadiriga (SEIT), Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood†ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Rooble.
Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha Guddiga ee la magacaabay
1- Muuse Geelle Yuusuf. Guddoomiyaha FEIT, Guddoomiye
2- Maxamed Aadan Cismaan
3- Cabdi Hiis Udan
SEIT Banaadiriga
4- Sacdiyo Aways Cali Boolaay. Guddoomiyaha SEIT Banaadiriga
5- Saciid Cabdulqaadir Axmed
6- Maxamed Cabdulxamiid Axmed
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
7- Avv. Cumar Maxamed Cabdulle La taliyaha Sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha
Guddigan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u xilsaaray in ay baaraan cabashada la xiriirta kuraasta Banaadiriga ee Golaha Shacabka iyo in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiyaan talo iyo warbixin ku aaddan arrimaha cabashadu ka taagan tahay.