Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kuraastii ugu horreeysay ee Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.
Guddiga maamulaya doorashada ayaa shaaciyay in Maanta la dooran doono Lix kursi oo kamid ah 11 kursi ee Gobolada Waqooyi ee Aqalka Sare, waxaana Musharaxiinta tartameysa dooran doona Ergooyin lasoo xulay.
Saddexda kursi ee ugu adag doorashada dhaceysa ayaa waxaa ku tartamayo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Saalax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.
Kursiga kale waxaa ku tartamaya Prof Maxamed Maxamuud Alla Bari, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo C/raxmaan Cismaan Cali, halka saddexaad ay ku loolami doonaan Wasiirka Warfaafinta xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe iyo C/kariin Maxamed Xasan.
Musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shalay jeediyay khudbadahooda oo ay uga hadleen wax ay qaban doonaan markii la doorto, waxaana xalay socday olole doorasho oo xoog leh.
Ammaanka Xarunta Teendhada Afisyooni oo Maanta ay ka dhaceyso doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Booliska dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.
Hoos ka Akhiso Liiska Musharaxiinta ee Maanta tartameysa.