Toban ruux ayaa ku dhimatay dagaal labo beelood u dhaxeeya oo ka dhacay deeganka Dhumay oo qiyaastii 80KM dhinaca galbeed ka xiga magaalada laascaanood, sida ay wararku sheegayaan.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey dagaalka labada beelood oo soo noqnoqday dhowrkii sanno ee u danbeeyay inkastoo heshiisyo la dhexdhigay marar hore.
Dagaalkan maanta ayaa ka bilaabmay sida wararku sheegayaan kadib markii shalay maqribkii lagu dilay deegaanka Dhumey nin carraabe ahaa oo safar ku jiray.
Ciidammo ka tirsan kuwa Somaliland ayaa gaaray goobta uu dagaalka ka socdo si ay u joojiyaan dagaalka.
Dhinaca kalena haweenay ayaa dhimatay kadib markii shalay uu toogtay nin geel watay oo ay isku khilaafeen daaqsin geel, sida uu sheegay duqa degmada Ceel Afweyn ee gobolka sanaag Cabdiraxiim aw Yuusuf.