Tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo uu la wareegay xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa Madaxtooyada Soomaaliya soo maretay Afar Agaasime,kuwaas oo siyaabo kala duwan xilalka looga qaaday.
Agaasimayaasha loo Magacaabay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kala ah.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa yeelatay illaa Afar Agaasime tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo xilka la wareegay.
Agaasimihii ugu  horreeyay ayaa waxaa ahaa Cali Fiqi  isaga oo si KMG ah xilkaas loogu dhiibey.
Agaasimaha labaad ayaa waxaa loo Magacaabey Abuukar Baalle
3-Agaasimaha saddexaad ayaa waxaa noqday  Fahad Yaasiin oo la aaminsan yahay in uu yahay Shaqsiga kala wada dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyn Agaasimaha Afaraad ayaa waxaa xalay Madaxtooyada Soomaaliya uu u  Magacaabay Madaxweyne Farmaajo Dr. Aamina Siciid.