Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxa uu bishan January 12-dii qoraal isku mid ah u kala diray dhamaan Musharixiinta uu hamiga kaga jiro xilka Madaxweynaha soo socda ee Somalia.
Radio Dalsan ayaa helay Nuqul ka mid ah Qoraalkaasi oo sumadeedu ahaa 2017/009, wuxuuna Michael Keating ku xusay isagoo ku hadlay magaca QM, AMISOM, IGAD, EU, Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Britain iyo Maraykanka inay ugu hambalyeynayaan Murashixiinta Madaxtinimadda darenkooda ku aadan inay u tartamaan Xafiiska Madaxweynaha JFS, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda inay si daacad leh ku dhacdo Doorashadda Madaxtimadda ee soo socota.
Michael Keating waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha soo socdo ee ku guuleysta Doorashadda  uu qaadi doonaa Mas’uuliyadda xilliga adag ee Taariikhda Somalia.
Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inay Beesha Caalamka ku boorinayso Musharixiinta inay raacaan Jadwalka shaqo ee Sharciga Qaranka iyo inay si buuxda u saxiixaan Ballanqaadyadooda ku xusan Qaanuunka Doorashadda.
Qoraalka uu Michael Keating u kala diray Murashixiinta Madaxtinimadda waxaa kale oo lagu xusay inay Beesha Calaamka doonayaan inaysan Murashixiinta ku mashquulin  musuq, Cod-gadasho, Hanjabaad, Caga-jugleyn iyo fal kasta oo wax u dhimi kara Hufnaanta Doorashadda Madaxtinimadda.
Qoraalka waxaa lagu muujiyey  haddii ay Doorashadda Madaxtinimadda Somalia lagu xiriiriyo Tacadiyadii la midka ahaa  ah kuwii dhacay xilligii la dooranayey qaar ka mid ah Xildhibaanadda inay taasi wax u dhimi doonto sida ay Beesha Caalamka ugu helanaan doonaan Madaxweynaha cusub  iyo Dowladda Federalka Somalia.
Wuxuuna si cad u muujiyey inaysan QM aqoonsan doonin Murashixii Madaxweyne ee lagu soo doorto wax is-daba marin.
Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxa uu  qoraalkiisa ku soo gebagebeeyey inay Ballan-qaadyadda Murashixiinta  ku xiran tahay Sharci ahaanshaha Doorashadda iyo Natiijadda ka soo baxda Doorasho  nadiif ah oo ku dhacda si xor iyo caddaalad ah.
©Radio Dalsan