Labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ka dhacayay dagaal beeleedyo geestay khasaaro Nafeed iyo mid hantiyeed kaas oo ka kala dhacay Gobolada Shabeellaha dhexe Shabeellaha hoose iyo qeybo ka mid ah goblka Hiiraan.
Tuulooyin hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa mudo dhowr Maalin ah ka dhacay dagaal Beeleed u dhaxeyay laba Maleeshiyo Beeleed kuwaas oo isku heestay dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalay,in kastoo ugu dambeen dagaalkaas xal laga gaaray.
Dhanka kale isla todobaad kadib waxa ay dagaalo kale ka bilaawdeen inta u dhaxeysa degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kuwaas oo iyana isku heestay dhul halkaasi ku yaala waxanan jirin cid ilaa iyo hada dagaalkaas xal ka gaartay iyada oo Shalay ay ugu dambeysay kulan lagu doonayay in lagu xaliyo lagu kala tegay.
Dhankale deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud,waxaa isna ka socda dagaal khasaaro badan dhaliyay,waxana halkaas uu ku dhexmarayaa Maleeshiyo deegaanka ah iyo Ciidamo kale oo taabacsan kuwa maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna kuwaas oo isku heestay maamulida deegaanka Xeraale.
Hadii aan soo bandhigo sababaha aan ku arko in ay isku heestaan dadkaasi badankood wada dagaalamaya,waxaa jira in dalka mudo ko dhow laba Sano ay ka jirtay abaardaran islamarkaana dadku ay qaarkood wada ahaayeen Barakacayaal basle haatan uu curtay Roobkii Guga taas oo keentay in dadka xoolo Dhaqatada ah ay isku khilaafaan dhul daaqsimeedka uu roobka ka Da’ay.
Hadaba dowladda Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Goobaha ay dagaalada ka dhaceen ayaa dhankooda isku howlay sidii dagaalada loo joojin lahaa iyada oo qaarkood ay ku guuleesteen xalinta dagaaladaas.
Waxaa diyaariyay Wariye Cabduqaadir Jakaarta