Afartaan Xisbi Siyaasadeed oo ah mucaaradka dowladda ayaa ka dib la kulan maalmo u socday waxa ay ka soo saareen Warmurtiyeed ay uga hadleen xaalada dalka,dhacdooyinkii dhacay iyo tallaabooyinkii ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.
Xisbiyada Warmurtiyeedka soo saaray ayaa kala ah Wadajir, Daljir, Horusocod iyo Kulan,waxaana ay warmurtiyeedka oo ka koobnaa 23 qodob uga hadleen weeraradii iyo qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho,iyaga oo sheegay in weeradaas ay ahaayeen kuwo daciifnimo ah oo aan looga jawaabin sidii loo baahnaa.
Sidoo kale waxa ay kusoo hadal qaadeen wadooyinka ay xireyn Ciidamada dowladda Soomaaliya taas oo saameyn ku yeelatay isku-socodka dadweynaha iyo Ganacsiga noocyadiisa kala duwan.
Khilaafka madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada iyo saameyntii ka dhalatay khilaafkii Wadamada Khaliijka oo ay sheegeen in ay xasiloonidarro ka abuurtay dalka,waxaana sidoo kale ay walaac ka muujiyeen talaabadii dowladda ku magacaawday taliyaha qeybta 43aad ee laga celiyey Garoonka Kismaayo.
Ugu dambeyn waxa ay wax laga xumaado ku tilmaameen tallaabadii dowladda federaalka Soomaaliya ku joojisay 28-kii bishii Janaayo ee sanadkan shirkii looga hadli lahaa maqaamka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.