Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa Maanta xaflad Caleemo saar ah ugu sameynaya Magaaladda Dhuusamareeb Madaxweynihii ay dhawaan doorteen Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay saakay Magaaladda Dhuusamareeb waxana hakad ku jira dhaq dhaqaaqa iyo isku socodka guud ee Magaalada.
Wariye ka tirsan Radio Dalsan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Xaaladda ay degan tahay Magaaladana laga daremayo Xaflada Caleemo saarka Sheekh Axmed Shaakir.