War Saxaafadeed ka soo baxay Hoggaanka ASWJ ayaa lagu soo dhaweeyey Qoraalkii bishan 16-dii ka soo baxay Xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Ambassador Michael Keating oo ka wakiil ah Beesha Caalamka ee uu sida cad  uga digay Maamulka Sii-haya (caretaker administration) inay xaliyaan muranka ka taagan Kuraasta Barlamaanka ee la isku haysto, ka hor qabashadda Doorashooyinka, lana taageero Xeerarka Doorashooyinka ee sannadka 2016-ka.
ASWJ waxay kaloo soo dhaweeyeen Qoraal ka soo baxay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashadda (IEDRM) ee ku taariikheysnaa bishan December 15-dii, taasi oo lagu muujiyey dabeecadaha dhabta ee Musuqa, Cabsida iyo Khal-khalgelinta ee ay geystaan Guddiga Federalka Doorashadda Dadban  (FIEIT) iyo Guddiga Doorasahadda ee Maamul-gobaleedyadda  (SIEIT), Sii-hayaha Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa.
War-saxaafadeedka ASWJ waxaa   lagu xusay inay garwaaqsan yihiin in Shirka haatan u socda Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka (National Leadership Forum (NLF) yahay Madal Wada-xaajoodka oo u dhexeeya Hoggaamiyayaal aan Shari ahayn, isla markaana uusn xal u ahayn Kulamada looga hadlayo Arrimaha Somalia.
“Madasha looma wada dhama, mana laha Saldhig Sharci ah iyo Hufnaan. Waana mid sii dheerayn karta dhibaatadda Soomaalida , isla markaana ay u afduuban tahay Rajada soo-celinta Somalia†ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka ka soo baxay ASWJ.
Dhinaca kale, War Saxaafadeedka Hoggaanka ASWJ waxaa lagu xusay inaysan marnaba la fariisan doonin isla markaana daawan Karin Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka (NLF) ee Danaystayaasha ah iyo Shirarka asaaska lahayn ee aan marnaba dhamaanayn.
Ugu dambeyntii ASWJ waxay ku baaqday in sida ugu dhaqsaha badan dhamaan qeybaha Siyaasadda ee ka kala socda ASWJ, Musharixiinta Madaxtinimadda iyo Bulshadda Rayidka lagu casuumo Shirarka Hoggaanka Madasha Wada-tashiga Qaranka (NLF).
©Radio Dalsan