Agaasimihii Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Fedeeraalka Soomaaliya C/qaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa shaaca ka qaaday inuu isk casilay xilkii hey’addaas, una gudbiyay istiqaaladiisa Wasaaradda Amniga Gudaha.
Mr Cabdul ayaa ka mid ahaa 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ku eedeysay musuq maasuq iyo lunsasho xoolo dadweyne, waxaana eedeyntan uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo Xafiisyada lagu go’aamiyay, iyadoo la hiigsanayo jago iyo shaqo.
War-saxaafadeed dheer uu soo saaray C/qaadir Cilmi ayuu ku sheegay in aysan jirin cid ila wadaagtay eed loo heysto kahor safar uu sheegay inuu ku maqnaa, isagoona xusay in aan loo soo bandhigin nooca iyo waxa uu ku edeysanahay.
“Muddadii aan hogaaminayay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxaa noo suurtagashay oo ay hey’adaha maamulka Maaliyadda iyo dakhliga illaa heer Madaxda Qaranku ka markhaati kaceen kor u qaadista dakhliga qaranka kasoo xarooda adeegyada socdaalka iyo dal-ku galka kasso sare ukacay 40%.†ayuu yiri Agaasimihii Hey’adda Socdaalka.
Bulshada Soomaaliyeed ayuu uga mahadceliyay wadashaqaynta iyo ka faa’iidaysiga adeegga Hey’adda gudaha dalka iyo dibadda, isla markaan ka dalbaday inaysan ku kadsoomin Dulmiga & marin habaabinta ujeedooyinka gurracan laga leeyahay arimaha socda.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka