๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ง๐ณ๐๐๐ง๐ข๐ฒ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฌ๐๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐๐ฒ ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฌ-๐๐๐ ๐๐ซ๐๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐จ๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ
Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madaxda hayโadaha socdaalka ee labada dal, Mudane Mustafa Duhulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala.
Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee Tanzania ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga maareynta arrimaha socdaalka.
Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madaxda hayโadaha socdaalka ee labada dal, Mudane Mustafa Duhulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala.
Heshiiskan waxa uu xoojinayaa xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo ganacsi ee labada dal, isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo iskaashiga dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.
Labada dhinac ayaa isla qaatay in la hirgeliyo qodobbada heshiiska, kuwaas oo diiradda saaraya isu-socodka muwaadiniinta sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqaalaha dowladda, kuwaas oo laga dhaafay dal-ku-galka (visa). Sidoo kale, muwaadiniinta ku safaraya baasaboorrada caadiga ah ee labada dal ayaa 24 saacadood gudahood ku heli doona dal-ku-gal, si loo fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta iyo ganacsatada.
Waxaa si gaar ah loogu mahadcelinayaa dadaalka iyo shaqada hagar laโaanta ah ee Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Amb. Ilyaas Cali Xasan, iyo dhammaan shaqaalaha safaaradda ee ka howlgala dalka Tanzania.