Maalmo kadib markii Afhayeenkii Maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax(Roob Da’ay) uu sheegay in la xiray,kadibna si anshax-darro ah loola dhaqmay ayaa waxaa looga yeeray Xarunta Dambi-baarista CID-da.
Saraakiisha Danbi baarista ee CID ayaa waxa ay sheegeen  in saakay Afhayeenkii hore ee Galmudug ay u yeereen si ay wax uga weeydiiyaan eedeynta uu u jeediyey Ciidamada Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.
Dhinaca kale Warar aan la xaqiijin oo soo baxayay ayaa waxa ay sheegayaan in la xiray Cabdullaahi Xaashi Faarax(Roob Da’ay).
Laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama sii bixin u yeeritankaas,iyada oo dhawaan War uu ku faafiyey Baraha Bulsahda uu saameyn weyn yeeshay.