Afhayeenka ururka Taalibaan ayaa BBC-da u sheegay “in aysan jiri doonin wax aargoosi ah” oo lagula kici doono shacabka reer Afghanistaan.
“Waxaan dadka reer Afghanistan u ballanqaadaynaa, gaar ahaan kuwa jooga Kabul in naftooda iyo hantidooda ay tahay ammaan- ma jirta cida laga aargoosan doono,” Ayuu Suhail Shaheen ku yiri BBC.
“Waxaan u shaqaynaynaa dadka iyo dalkan.”
“Hoggaankeennu wuxuu faray ciidamadeenna inay ku sugnaadaan iridda Kabul – inaysan soo gelin magaalada. Waxaan sugnaba waa in si nabad ah xilka lagula kala wareego ”
Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan dadka reer Afgaanistaan ​​ay ka qeybqaadan doonaan dowladda Islaamka – taasoo la micno ah in dadka reer Afghanistan ee aan Taalibaan ahayn lagu dari doono.