Iydaoo ay 3 maalmood ka harsan tahay  Xilli-hawleedka Madaxweynaha xilka ka sii degayo ee dalkaasi, Yaxye Jaamac ayaa waxaa lagu soo waramay inay is-casileen Wasiiradii Garsoorka, Arrimaha Dibedda iyo Ganacsiga.
Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay Isbuucii hore baxsadeen Wasiirkii Gaadiidka iyo kan Sport-ga, kuwaasi oo ka cabsi qaba qalaalasaha siyaasadeed ee ka jiray Gambia.
Madaxweynaha weli xilka sii haya ee dalkaasi, Yaxye Jaamac ayaa diidan inuu xilka ku wareejiyo Murashax ku guuleysatay Doorashadii bishii hore ka dhacday dalkaasi.
Madaxweynaha cusub, Adaama Barrow ayaa haatan ku sugan Caasimadda dalka Senegal ee Dakaar, mana kala cadda in bishan 19-keeda loo calaamo-saari doono Madaxtinimadda dalka Gambia.
©Radio Dalsan