Magaalada Muqdisho gaar ahaa qabuuro ku yaalla Isbitaalka xoogga ayaa waxaa Maanta aas Qaran loogu sameeyay Abaanduulihii Ururka 18aad Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka oo shalay ku dhintay dagaal culus oo ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug.
Aaska Marxuum Korneyl Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuuge) ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, saraakiil ciidan, qoyskiisa iyo dadweyne kale oo farabadan, waxayna Alle uga baryeen inuu u naxriisto sarkaalka.
Wasiirka wasaaradda Qorsheysta Xukuumadda Soomaaliya Beene Beene oo ka hadlay goobta duugta ka socotay ayaa sheegay in Suulnuuge uu ahaa geesi, waxa uuna xusay in sannado badan uu hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in abaanduule Suulnuuge uu ahaa sarkaalka qiimo badan oo Qaranka ka baxay, waxa uuna tilmaamay in uu sii socon doono dagaalkii uu qeybta ka ahaa Suulnuuge kana adkana doonaan Al Shabaab.
Abaanduulihii Ururka 18aad Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka ayaa shalay ku dhintay dagaal culus oo ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al Shabaab kula dhexmaray Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.