Sarkaalkaan ayaa waxaa lagu Magacaabaa Jamaal Baaxad,waxana uu ahaa Abaanduulihii Saddexaad ee  Ciidamada Millateriga Soomaaliland uga howlgalla Gobolka Sanaag.
Sarkaalkaan ayaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu ku biirey Jabhad la magac baxday dib u xoreynta Soomaaliland taas oo uu  dhawaan aas’aasay Sarkaal horey uga goystay Soomaliland oo lagu Magacaabo korneel Caare.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in labada Sarkaal ay haatan ku sugan yihiin qeybo ka mid ah gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanada Gobolkaas ay Puntland ka maamusho,isla markan ay wadaan dagaal ka dhan ah Maamulka Soomaaliland.
Gooshadaha sarkaalkaas iyo aas’aasitanka Jabhada weli dhankooda kama hadlin Maamulka Soomaaliland Madaxdeeda,waxa ayna ku soo aadeysaa xilli xiisado dagaal oo u dhaxeeysa Puntland iyo Soomaaliland ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Sool.