Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Dowladda Federalka Soomaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)
Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha amniga, saamaynta ka dhalan karta duufaanada kusoo wajahan qeybo kamid ah deegaanada Jubaland iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa gurmad kala duwana loo gaarsiin lahaa deegaanada ay duufaanadu ku wajahan yihiin.
Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay).
Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa weli ku sugan Muqdisho, kadib markii uu dhawaan kaga qeyb galay Shirkii u dhexeeyay Madaxda dowladda Federalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka.