Masjid ku yaalla magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka oo uu dab baai-iyey muddo haatan laga joogo 18 bilood ayaa la filayaa in Toddobaadka soo socdo dib loo furo.
Absisalam Adam oo ka mid aah Hawlwadeennadda Masjidka Dar Al-hijra ayaa sheegay in Masjidka la furi doono bisha soo socoto ee June 6-da.
Waxa uu tilmaamay in kharaj dhan 200,000 oo Dollar dib loogu dhisay Masjidkaasi oo ah Masjidka ugu mashquulka badan Masaajidda ku yaalla magaalladda Minneapolis oo ay deggan yihiin Jaalliyadda ugu badan ee Soomaalida ku nool dalka Maraykanka.
Ku-dhawaad 300 oo qof ayaa ku tukan jirtey Masjidka, ka hor intuusan Masjidku ku baabi’in dab ka kacay 18 bilood ka hor.
Jaalliyadda Muslimiinta ee ku nool magaalladda Minneapolis ayaa soo dhaweeyey in dib loo furo Masjidka Dar Al-hijra, iyadoo ay foodda nagu soo hayso curashadda bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay ka dhiman tahay wax ka yar 3 isbuuc.