Danjiraha dowladda Masar u jooga Somalia, Waliid Ismaaciil ayaa sheegay inay socdaan Qorshe dib loogu furayo Safaaraddii ay ku lahaayeen Caasimadda Somalia ee Muqdisho.
Danjiraha oo Fadhigiisa Dhexe ku yaalla magaalladda Nairobi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Yoom Sabca ee ka soo baxa Qaahira, wuxuuna tilmaamay in sida ugu dhaqsaha loo furi doono Safaaradda, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Dowladda Federalka Somalia ugu deeqday dhul u gaar ah Safaaradda Masar oo ku yaalla magaalladda Muqdisho.
Danjiraha waxa uu tilmaamay inay soo hagaagayso Xaalladda Ammaanka ee Somalia oo ay dagaalo ka dhaceen, wuxuuna sheegay inuu 6 jeer booqday Muqdisho, iyo inuu kulamo la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale, Danjiraha dowladda Masar u jooga Somalia, Waliid Ismaaciil waxa uu tilmaamay inuu aad u xoogeysanayo Xiriirka Labada Waddan, isla markaana ay Somalia ka taageeraan dhinacyadda Amamanka, W/barashadda iyo Iskaashiga Ganacsiga.
Ugu dambeyntii, Danjire Waliid Ismaaciil waxa uu xusay inay 17 Macaallimiin ka socotay Jaamacadda AL-AZHAR ku sugan yihiin Somalia, kuwaasi oo wax ka dhiga  Dugsiyo ku yaalla Muqdisho iyo Goballadda kale.
©Radio Dalsan