Bishan January 20-da waxaa la filayaa inuu Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama xilka ka dego, kana guuro Aqalka Cad ee uu haatan deggan yahay.
Waxa la filayaa inuu Xilka Madaxtinimadda ku wareejiyo Madaxweynaha La-soo doortay ee Donald Trump, kaasi oo horey u sheegay inuusan doonaynin inuu qaato Mushaar, marka uu noqdo Madaxweyne.
Xilliga Kala-guurka Siyaasadda Maraykanka ayaana haatan diyaar garow loogu jiro, iyadoo Madaxweyne Obama oo 8-sanno ka talinayey Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka, ayaa haatan yegleelayo Dhismaha Cusub ee ay isaga iyo Qoyskiisa u guuri doonaan.
Dhismo cusub ee ay degi doonaan Qoyska Obama ayaa waxa uu ku yaallaa Xaafadda Kalorama oo ka mid ah Deegaanadda  ugu shidan magaalladda Washington DC.
Gurigaasi cusub ayaa lagu sheegay in lagu dayactiray lacag dhan 5.3 million oo Dollars.