Boliska magaalladda Columbus ee Gobalka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay baarayaan kooxihii ka dambeeyey fal lagu toogtay Dhallinyaro Soomali ah oo ku sugnaa Columbus.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay kooxo hubeysan toogteen labo nin oo Somali ah oo kui sugnaa goob laga cunteeyo, iyadoo mid ka mid ah Dhallinyaradaasi uu geeriyooday, halka midka kalena uu soo gaaray dhaawac culus.
Marxuumka geeriyooday waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali iyadoo qof ka la dhaawacay lagu magacaabo Qaasim Maxamed Diirshe.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay magaallooyinka waa weyn ee Maraykanka ka socdaan Dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo Madaxweynaha la-doortay ee dalka Maraykanka, Donald Trump.
©Radio Dalsan